Barre Hiiraalle Isagaa Qaybiyay Beesha Sade,
Maanta Ma Awoodi Karaa In uu Mideeyo? [1141 votes total]

Maya (585)
 51%
Haa (396)
 35%
Hogaamiye Kale Ayaa Mideyin Kara Maanta Sade. (85)
 7%
Ma Garanayo. (75)
 7%


EMAIL THIS POLL
Click Here for FREE Web Polls, Guestbooks, and Forums.


Total Comments 183 | Start A New Comment
Post Info Comment
Posted By: evening dresses 2010

Posted On: Jul 6, 2010
Views: 1228
http://www.mypromdresses.co.uk/

Aw, this is a really quality site.


Posted By: Gacal

Posted On: Oct 14, 2006
Views: 1558
Waxaas Day, Waxa Kasokeeya Day

Waxaa nasiib wanaaga in Daarood kuwiisa waxgaradakaa oo meesha ka doodayay ay u arkeen in wax kasta ay ka muhiimsantahay jiritaanka iyo isku xirnaashaha Daarood. Waa xaqiiq in hadii aan u dhaqano sidii awoowayaasheenii hore oo magaca Daarood kahormarin jiray qilaaf kasta oo dhexdooda kujira, inaan natiijadii ay gaareen iyo magicii ay jiilalkoodi ku dhexlahaayeen aan ku yeelanayno. Maanta Daarood cidina kama badna cidina kama dhul badna. Bal eega dhulka Soomaalidu dagto 3/4 waxaa ladhihi karaa Daarood baa tagan. Galgaduud, Mudug, Bari, Sanaag, Sool, Kililka 5aad oo dhan, Gedo, Jubooyinka, Gobolada Kenya maxaaba kasoo haray?. Intaa dadka jooga hadii ay isjeclaadaan oo danahooda kashaqeeyaan ma u malaynaysaa inay cid kale u baahanyihiin. Hada waa in Daarodism dib u bilaabato. Runtaan idiin sheegayaaye waxa Maxkamada guushooda ka dambeeya waa Hawiye oo is leh Darood ha ceeboobo. Waxay ogyihiin ayagoo 15 sano kuguulaysan waayay inay wadanka nabad ka dhaliyaan ayagoo madax looga dhigay dawlado badan oo iyagu isku ogolaan waayay, hadii mida C/laahi Yuusuf guulaysato inay ZERO-C noqonayaan. Khilaafku meelkastuu ka jiraa, balse waxaa guulaysta qoladii dantooda ka hormarisa juruqjuruqda ku jirta. Maantay dhul Daarood ayaa Cayr kusoo duulay, dhulkaliyana uma socdaane qadiyada Daarood oo dhan bay rabaan inay dhulka hoos galiyaan. Marka waxaan fali lahayn anagay na jirtaa. Waxaad ku ogaanaysaa Kismaanyo inaan Absame ka talin ama nin Daarood ah, goormay Xeerkii Daarood ka mid ahayd in Gabdhaha iyo caruuraha xabsiyada lagu guro. Ilaahow aanan waxaas Ogaadeen u nisbayn. Waa nimankii kunka shilin Soomaaligaa nafta ugoonjiray waxa saa yeelaya. Waase lagayaabaa mid Daarood ah oo maalayacni ah inuu ku taageero, balse loo joojin maayo. Daarod is raac!


Posted By: Aden Hiirad

Posted On: Oct 14, 2006
Views: 1596
Yaan la degdegin

Walayaal waad salaamantihiin bahda All Wadani,
Marka hore waxaan is weeydiinayaa maxaa keenay su'aasha ah barre ma mideyn karaa beeshiisa,
Barre waa nin siyaasi ama hogaamiye ciidan ah ee ma aha beesha cuqaasheedi iyo ugaasyadeedi,mana aha ruux ay u dorteen dadku inuu iyaga hoggaamiyo dooxada la yiraa ayuu madax u ahaa haddana waa un saraakiisha somaliyeed ee u halgamaysa meel inay isaga qoraan siyaasadda.marka beeshu horta kuma xirna midnimadeeda iyo midninmo la'aanteeda Barre.
Arrinka kale ee doodda ka dhexdhalatey ee labada beelood ee mareexaan iyo ogaadeen.
waxaan horta is weeydiinayaa ilaa iyo hadda ogaadeen socda oo meel qabsadey ma arag ee wadaad xasan turki la yiraa oo la socda maxaakimt ayaa meesha jooga.
marka ogaadeen hadduu meel qabsanayo teer iyo waag cumar jees waa joogeen jubbooyinka waxay qabsadeenna maana arag ee waxba yaysan maqalka xasan turki iyo madoobe kiiska isaga waalin.illeen siyaasad ogaadeen meesha kuma imaan kumana jogaane.

midda kale mareexaan waxaan weeydiin lahaa meehsa dadka yimid waa run oo Barre waa ka qaateen jagadi laakiin dhibka idin gaarey ma la mid baa mooryaan idinka qabsatey meesha, faiidadase aad ka helki kartaan in maxkamaduhu meesha joogaan iyo in mooryaan iyo jirri ka taliso keebaa ganacsigiina, horumarkiinna iyo nabadgelyada meesha u fiican.marka xamaasadda magaca qabiilka meesha laga bixiyo oo ilaahay dartii loo hadlo.

Waxaan kale oo weeydiin lahaa dadka jubbooyinka oo dhan qabiil kastaba in lugta la isqabto oo hore loo dhaqaaqi waayo oo qolaba qalada kale dagaal ku oogto iyo in shaqo iyo horumar loo jeesto oo siyaasad aan meel gaareeyn la isku mashquulin iyo dhiig iyo burbbur keeba inoo habboon.

Ugu dambayn waxaan soo jeedin lahaa xamaasadda ogaadeenimada haddi aan laga deeyn meesha waxa keenaysaa in meeshu u muuqato meel aan la aamini karin oo qabiil ah aanan maxkamadaha laga dhawaajinayana run ahayn.

midda kale haddii aan usoo jeesto maxaakimta islaamiga ah iyo raagaa u arrimiya miyaanay maxkamaduhu ogeeyn cadawgi ugu xoogweeynaa addunka inuu toosh ku raadinayo cid walbana uu u kaashanayo burburintooda maxaa ku kallifaya shacabkooda inay wax aan macno lahayn iyo siyaasad iyo maamul kula colloobaan. May dadka diinta baraan kulana taliyaan wanaagaa una oggolaadaan dadku cidda ay doonaan in ay u doortaan qofki maamuli lahaa maxaa ku kallifay hal mar inay meel walba qori la istaagaan.
soo ma oga dadkaan ay ka dhasheen dad qabiil ka kooban oo xasaasiyad badan ka dhaxayso oo nabarro badan iyo cuqdado badan ka dhexeeyaan inay yihiin hadana aan diin badan aqoon, aadna u baahan, una xukun jecel inuu yahay.
miyaanay ogayn qofka siyaasiga somaliga ah haddi la yiraa adiga meel heblo laguu dhiibayaa inuu diin iyo qarannimo iyo sharaf midna dib u eegeyn.
miyaanay ogeeyn dadka haddi la yiraa hayado cunno idiin wada iyo mashaariic ayaa gadaal laga soo riixayaa ee dakaan iska kiciya in hooshka ay maalin qura kugu qaadayaan.
miyaanay ogeyn nin u dhashay reer hebelki aad ogeeydeen ayaa meesha ka taliya in ay reer hebel yaanu idin xukumin darteed diinti uga baxayaan .
walaalayaal ha iska dhigina dad alien ah oo cirka ka yimid waa taqaanniin dadkiinna.
ilaa aad diinta bartaan oo xiqdiga, iimaan la'aanta qabyaaladda iyo is nacaybka uurkooda laga sifeeyo inaad xukunkooda ku degdegtaan waxay un soo dedejinaysaa burburkiinna iyo u kaalmeynta cadawgiinna inuu dadkiina idinku laayo dembigasna adinku qayb weeyn baad ku leedihiin ee dadka uun gaalo raacyo ha ku tilmaamina waayo ilaahay wuxuu yiri ma sima yihiin kuwa wax yaqaan iyo kuwa aan wax aqoon.
waadna taqaannaan xaddiiski naebigeenna ee ninki deeqda ku qanci waayey ee rasuulka cayaay marki loo hawoodey in la dilo uu nebigu deeq kale ugu darey ilaa uu farxay uu amaaney nebiga markaasuu nebigu scw isku tilmaamay arrinka sidi nin neef geel ah ka fakadey oo la wada eryadey ilaa marki lagu daalay ninki lahaa yiri war bal iigu kaadiya oo neefka magaciisi ugu yeeryeeray neefkina intuu ku soo guuxay dib ugu soo labtey sidaasna ku qabsadey. Haddii marki hore qoorta loo dheereyn lahaa ninkaasi naarta ayay ku ridi lahaayeen.
walaayaal sidaas baa allheena weeyn subx wat. ugu tilmaamay rasuulkeenna mid u turid badan oo naxariis badan.
Haddi aan tusaale laga dhigan rasuulkeenni suuban scw oo aan xikmad wax lagu wadin meeshi wax laga billabayt ayada oo kusoo noqotey umbaa la arki doonaa.


Pages [ 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 ] Next Page ->  
More Comments